Habka Codsiga Diiwaangelinta
PrimeTime'ka 2026-27
Ee TK Ilaa 8
Ee Degmada Dugsiga Midaysan Ee San Diyeego
1
Waaxda Fursadaha Wax Barashada La Kordhiyay (Extended Learning Opportunities Department) ee SDUSD waxay la shaqeysaa 7 Ururo La Hawl-galayaal PrimeTime si ay Barnaamijka PrimeTime ugu soo bandhigaan ardayda ku jiro fasalka TK ilaa fasalka 8 oo dhigto 144 dugsiyo.
Barnaamijka PrimeTime wuxuu soo bandhigaa deegaan wax laga qayb-qaadan karo oo ay ardayda ku xoojin karaan xirfadahooda tacliinta iyo ay ka qayb-qaadan karaan hawlo kobcin leh oona xiiso leh oo ku saabsan goobaha Farshaxanka, Sayniska, Muusikada iyo Ciyaaraha, iyadoo la horumarinaayo xirfadaha bulshanimada.
Ardayda ka qayb-qaato PrimeTime waxaa la siin doonaa cunto fudud oo nafaqo leh oona lacag la'aan ah.
Waa maxay PrimeTime?
Xiliga Codsiga Diiwangelinta Koowaad
Ee Ardayda TK Ilaa 8 Ee PrimeTime'ka 2026-27
Isniinta, Abriil 20, 2026 marki ay tahay 8:00 subaxnimo (am PST) ilaa Jimcaha, Maajo 1, 2026 marki ay tahay 3:00 galabnimo (pm PST)
U-qalmitaanka Ardayga:
Dhammaan ardayda horay u diiwaangashan ama hada ku qoran Degmada Dugsiga Midaysan Ee San Diyeego ee dhigto fasalada TK ilaa 8 waxay u qalmaan codsiga diiwaangelinta ee PrimeTime.
Farqiga u dhexeeya Barnaamijyada Subaxdii (AM) iyo Galabtii (PM)
Barnaamij | Waqtiyada | Diiwaan Gelinta |
Waxaa Barnaamijyada PrimeTime'ka Dugsiga Ka Hor laga bixiyaa dugsiyo la doortay keliya, 111 dugsiyo |
|
(hadii la bixiyo)
|
PrimeTime'ka Dugsiga Ka Dib oo laga bixiyo 144 Dugsi |
|
|
Gudbinta Codsiga Diiwaangelinta
Websaytka PrimeTime:
www.sdusdelo.com/academic-year-primetime
Mahadsanid!
Waxaan rajeyneynaa inaan yeelano sannad kale oo
farxad iyo wax barasho leh!