Hagaha Waalidka ee Aaladda Xello
Qorshaha Waxbarashada Shakhsi ahaaneed (A Personal Learning Plan - PLP) waa hab ay ardayda fasallada PreK-12 u qorsheeyaan mustaqbalkooda iyagoo qorayo waxa ay xiiseeyaan, waxa ay ku fiican yihiin, iyo waxa ay qiimeeyaan ka dibna ay ku xiraan waxyaalahaas hammigooda mustaqbalka. Ardayda Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul ee fasallada K-12 waxay isticmaalaan aalad dhijitaal ah oo loo yaqaan Xello si ay u dhisaan qorshahooda mustaqbal ee PLP. Tani waxay buuxinaysaa shuruudaha waxbarasho gobolka ee ku aaddan qorshaha ardayga ee PLP.
Qorshaha Waxbarashada Shakhsiyeed ee ardayga oo isticmaaalayo aaladda Xello waxaa ka mid ah:
Gelitaanka Ardayga ee Xello:
Ardaydu waxay ka soo galaan Xello iyaga oo isticmaalaya app-ka Clever ama bogga intarnedka.
Haddii laga soo galo iPad-ka:
Haddii laga soo galo Kombiyuutarka:
Gelitaanka Waalidka ee Xello:
Aaladda Xello Family waxay kuu oggolaanaysaa inaad sahamiso oo aad ogaatid yoolalka iyo qorshayaasha mustaqbalka ee ilmahaaga si aad si fiican ugu taageertid waxbarashadooda iyo kobacooda.
Waaliddiinta iyo dadka ardayda masuulka ka ah (ee degmada SPPS siiyay ciwaankooda iimaylka kuwaasoo loo aqoonsaday inay yihiin qofka koowaad ee laga la xiriiro ardaygaaga) waxay heli doonaan iimayl ka yimid Xello si ay u daaraan akoonkooda Xello Family. Waxaad ku dari kartaa cinwaanka iimaylkaaga akoonkaaga waalidka ee Campus Parent adigoo ka gelayo spps.org/onestop. Baro sida loo isticmaalo Xello adigoo booqanayo www.spps.org/academics/college-and-career-readiness/xello-family.
Haddii aad u baahan tahay caawin ah sida loo galo akoonkaaga Xello Family, fadlan kala xiriir Katie Gardner katie.gardner@spps.org ama 651-603-4941, ama la xiriir la-taliyaha iskoolka ilmahaaga.