Darawallada baabuurta xamuulka ayaa ah laf dhabarta dhaqaalaha Canada—waxaan ku dadaaleynaa in silsiladda sahaydu ay socoto. Isla markaas, mushaharkayagu wuxu hoos u dhacayaa halka saacadaha shaqaduna ay korhayaan. Shaqaale badan waxay la kulmaan tuugmada mushaharka iyada oo loo marayo saacado shaqo oo aan la bixin, lacago laga goynayo, iyo dhaqanno mushaar oo aan cadaalad ahayn. Shirkaduhu waxay darawallada u arkaan inay yihiin qandaraaslayaal madax-bannaan si ay u helaan faa'iidooyin badan, iyadoo shaqaalaha laga hor istaagayo xuquuqdooda. Wadida ayaa noqoneysa mid adag oo khatar ah sababo la xiriira cimilada xun, cadaadiska shaqada, iyo xaaladaha la xiriira daruuriyad la’anta.
Darawallada baabuurta xamuulka ah iyo milkiilayaasha iskood u wata baabuurta xamuulka waxay ka jawaabayaan iyagoo isugu imaanaya si uu codkeenu u xoogaysto. Cadaalad u raadinta darawallada baabuurta xamuulka ah (Justice for Truck Drivers) ee Ontario iyo Ururka Baabuurta Xamuulka ee Xeebta Galbeed (West Coast Trucking Association) ee British Columbia waxay aaminsan yihiin in waqtigu yahay waqtigii been-abuurka ka socda shirkadaha baabuurta xamuulka in la shaaciyo ay tahay. Sidaas darteed, waxaan la wadaagaynaa sahankan darawallada gobollada Canada oo dhan.
Haddii aad tahay Darawal Gaadiidka Xamuulka ama aad tahay Milkiile iskiis u Hawlgala oo ku sugan Canada, fadlan buuxi sahankan qarsoodiga ah si aan u ifinno waxa ku dhacaya darawallada iyo inaan dalbano isbeddel.Dhammaan su'aalahaani waa ikhtiyaar. Waxay qaadan doontaa qiyaastii 5-7 daqiiqo in la dhameystiro.
Haddii aad su'aalo ka qabto sahankan, waxyaabaha ku jira ama talaabooyinka xiga, fadlan la xiriir: info@wc-ta.ca ama justice4td@gmail.com. Waad ku mahadsantahay inaad waqtigaaga siiso buuxinta sahankan!