Wax yar oo ku saabsan Beerta Beledka ee Ururka EPNI
Sannadkii 2016, in kastoo uu dikhow xuni ka jiray xaafadda East Phillips, Magaaladdu (City) waxa ay qorshaysatay inay burburiso bakhaarkii Roof Depot si ay uga dhisto goobtii bakhaarka goob 3-dabakh ah oo gawaarida la dhigto iyo kaalin shidaalka oo naaftada iyo gaaska laga qaato. Gu’gii sannadkii 2023, ka dib 7-sanno oo dacwo ah, ururka EPNI waxa uu joojiyey qorshihii Magaaladda (City), waxa uuna ku guulaystay fursad uu ugu rogi karo goobtii bakhaarka Roof Depot ahaan jirtay rug beeleed leh beer gudaha ah, soolar safaf ah, guryo jaban iyo waxyaaho kale.
Bisha Todobaad ee 2024, ururka EPNI waxa uu aakhrika ka gadan doonaa dhismaha Magaaladda Minneapolis, ka dibna waxa uu bilaabi dhisida xarunta beesha.
Marka la gaaro bisha Todobaad ee 2025, mashruucu waxaa uu u furmi doonaa beesha isago leh:
- In ka badan100,000 fiit oo isku wareeg ah oo gudaha ah oo farsamo beereed oo taag ah sidda beeraha haamaha ah ee kalluunka iyo caleenta aan carradda lahayn lagu beero
- Fasallo iyo goobo tababaro shaqo
- Meelo beesha isugu timaado
- Ganacsiyo yar-yar iyo ururo samafal
- Istuudiyo farshaxan
- Adeegyo dadka dariska ah ee hoy la’aanta ah
- Suuqyo dhaqamo badan matala iyo makhaayaddo
- Biraha soolaarka ee saqafyada
- 500 oo shaqooyinka dadka deegaanka loo abuuro
- Iyo waxyaabo kale oo badan!