Su’aalaha ku Saabsan Codsiga Beeralayda 2024

Waa aad ku mahadsan tahay danayntaadda ku saabsan ku biirida Xulafada Beeralayda Sharing Our Roots! Waxaa farxad noo ah inaan u furno Beerta Sharing Our Roots Beeraladayda soo koraysa ee dadyowga muhaajiriinta, BIPOC, iyo dadka LGBTQ+ ah si loo siiyo xalalka casri ah oo mustaqbal dheer ah oo ah helida dhul nawaaxigeena ah.  

Beerta Sharing Our Roots waxa ay u jirtaa inay noqoto goob lagu ababin karo koritaan iyo hawlgalo cusub oo beeraha ah, lagu hagaajin karo madax-banaanida cuntada, lagu qaabeyn karo sidda xirmeynta iyo beerahu ay meel uga wada jiri karaan. Fadlan ogow in Beerta Sharing our Roots inaysan ahayn barnaamij tababarida beeraha ah. Barnaamijka SOR waxa uu fidiyaa gargaar dhamaystiran xulafada beeralayda iyadoo la adeegsanaysa tababaro ku taxaluqa beeraha iyo ilo wax barasho ah, wadaagaya kaabayaasha iyo qalabka iyo xiriirada bulshada.    

Maadaama aan nahay beer soo koraysa oo ku salaysan dan-wadaagid, waxa aan garowsanahay mas’uuliyadda naga dhaxeeysa ee xanaanaynta iyo ilaalinta khayraadyadayada dudo sida dhulka iyo biyaha, anagoo waliba dhisayna beelo beeralay oo ad-adag waxna gargaara. Dhab ahaan, qaabkayaga ku dhisan dan-wadaagtu waxa uu salka ku hayaa kaabayaasha lagama maarmaanka ah (xiro, buul-alaabeed, waraabin), qalabka (aalado, cagaf-cagaf), iyo aqoon ku saabsan habka beera-falashada. Wadaagida khayraadyada waxaa dheer, beeralaydu waxa ay kala shaqeyn karaan kooxda SOR abuurida filitaanada dudadda, mudnaanaha, iyo hanaanadda ku salaysan baahiyada xulafadda.     

Waxa kaliya oo aan fidin karnaa tiro kooban oo heshiisyo cusub oo dhul beereedka wareega codsiyada sannadka 2023/2024. Dhulka iminka waxa uu qaadi karaa sideed hawlgal oo beeraha soo koraya iyo jardoonooyinka bulshadda ah. Si aad wax badan uga ogaato iyaga waxa aad ka akhrin kartaa taariikhdooda barta ah Sharing Our Roots website. 

JADWALKA CODSIGA 

  • Sebteembar 26, 2023 – Codsiyada xilliga beeraha ee 2024 ayaa furmi    
  • Nofeembar 13, 2023 Codsiyaddu waa ay xirmi.  
  • Aakhirka Nofeembar 2023 – Codsiyadda waxaa dib uu eega gole ka kooban la taliyeyaal bulsho, beeralay iyo xubnaha kooxda SOR. Codsadayaasha beeralayda ah waxa la waydiisan doonaa inay ka qaybgalaan waraysi uu qaado Xiriiriye ka socda Xulafada Beeralayda.  
  • Horaanta Deseembar 2023 – Beeralayda la xushay ayaa la ogaysiin in la xushay.  
  • Janaayo 2024 – Heshiisyada cusub ee dhulka ayaa la saxiixi doonaa, soo xero gelinta beeralayda cusub ayaa iyana bilaabmi doonta!  

Dhamaan codsiyada oo dhan waxaa tixgelin eegina doona Golaha La Talinta Danwadaagta iyo xubanaha kooxdayada waxaana loo kala hormarin iyadoo lagu salaynayo shuruudaha soo socda:    

  • Waaya-aragnimo la xiriirta beeraha oo cad (1-10 sanno) iyo awooda aad farsamo ahaan ku maamuli karto hawlgalkaaga beeraha si madax-banaani ah. 
  • Balanqaad ah inaad barato aadna ku dhaqanto farsamooyinka dib u abuurida ah iyo beerida orgaaniga ah iyadoo la adeegsanayo waxbarasho iyo tababarid joogta ah. 
  • Dhib cad oo laga maray helida khayraadyo dhaqaale ama kuwa bulsho si loo helo dhul beereed si loo abuuro hawlgalo beereed. 
  • Balanqaad ah in laga shaqeeyo deegaan beereed oo xooga saara beesha, oo ku salaysan dan wadaagid (sidda, qalab beereed iyo kaabayaal in la wadaago, ka qaybgelid kulano sannadkii labo-goor ah, bixin jawaab-celin joogta ah iyo wadaag u abuurid heshiisyo la wadaago). 
  • Mudnaanta waxaa la siin doonaa beeralayda ka soo jeeda beelaha loogu diidi jiray helida dhul-beereedka cadaadis qorsheysan, ka xirid iyo faraqyo maal jiileed, oo ay ku jiraan beeralayda dadka ah BIPOC, muhaariinta iyo dad LGBTQ+ ah. 
  • Mudnaanta waxaa la siin doonaa beeralayda qorsheynaya inay u isticmaalaan dhulka inay cunto uga beeraan beesha, ha noqoto wax gadid ganacsi oo weyn ama ganac/wadaagid dhaqaale.

TALAABOOYINKA LA QAADO SI LOO DALBADO   

  • Talaabadda 1: Dib u eegid Guudmarka Xulafadda Beeralayda. 
  • Talaabadda 2 (Ikhtiyaar ah): Booqo beerta xilliga kormeerka dadweynaha ee beerta, ama codso la kormeerid beer xubin ka tirsan kooxda Sharing Our Roots si aad ugu  kuurgasho dhulka iyo beesha. Emayl (Email) u dir bartan lucia@sharing-our-roots.org Si u qabsato balan booqsho beereed, ama ka eeg shabakadayada (website) booqashooyinka dadweynaha ee soo socda.  
  • Talaabadda 3: Ku buuxi khadka codsi (online) ama daabaco codsi ugu dambeyn Nofeembar 13, 2023. Haddii aad door-bidayso codsi qaab wareysi ah emayl (email) u dir bartan lucia@sharing-our-roots.org si aad u sameysato balan. Haddii aad buuxinayso codsi daabacan, fadlan ku soo hagaaji ciwaanka ah Sharing Our Roots Farm, C/O Lucia Possehl, 4905 315th St. W., Northfield, MN 55057 
  • Talaabadda 4: Xiriiriyahayaga Xulafada Beeralayda ayaa kaala soo xiriiri doona wixii su’aalo ah kuna siin doona akhbaarta talaabooyinka xiga kuwaa ee codsigaaga.

MA U BAAHAN TAHAY AKHBAAR KALE, AMA MA DOONAYSAA INAAD LA HADASHO BEERALEY AMA XUBIN KOOXDA AH?  

Wixii kale ee akhaabar ah, fadlan ka eeg shabakayada (website), ama kala xiriir  Xiriiriyaha Xulafada Beeralayda ee Sharing Our Roots, Lucia Possehl, barta  lucia@sharing-our-roots.org. Haddii aad jeclaan lahayd inaad la hadasho beeralay hadda beero ku falata Sharing Our Roots, fadlan la xiriir Lucia waxa ayna kugu xiriri doontaa beeralayda firaaqada leh.

Haddii anaan awoodin inaan ka soo baxno baahidaada degdeg ah ee quseeysa helida dhul, hoos waxaa ku xusan iskaashiyada kale ee nawaaxiga iyo khayraadyada waxa aana kugu dhiiri gelinaynaa inaad tixgeliso iyana. 


Sign in to Google to save your progress. Learn more
Email *
Akhbaarta la Soo Xiriirida
Magaca Hore: *
Magaca: *
Magac u yaaladda: *
Required
Telefanka: *
Qaabka aan jeclahayd in lagula soo xiriiro:  *
Required
Next
Clear form
Never submit passwords through Google Forms.
This form was created inside of Sharing Our Roots.

Does this form look suspicious? Report