Xogururinta Danaynta Dugsiga Barbaarinta
Qoysaska Sharafta leh,
Ku Soo Dhawow Dugsiga Barbaarinta ee Dugsiyada Dadwaynaha Portland! Bilaabidda dugsigu waa tallaabo xiise badan marka la eego carruurta iyo qoysaska, markaa waxa khasab ah inaad su'aalo qabto. Waaxda Ardayda Xilliga Hore ee PPS adiga ayay heegan kuu tahay.
Fadlan dhawr daqiiqo ku qaado buuxinta xogururintan, kaasi oo naga caawin doona inaanu bixino jawaabaha qoysasku ay raadinayaan marka aad u diyaarinayso ilmahaaga inaad ku darto dugsiga barbaarinta dayrta. In kastoo aanan awoodi doonin inaanu su'aal kasta qofka gaarkiisa uga jawaabno, waxaanu u diri doonaa kolba wixii soo kordha qoysaska isku diiwaangaliya liiska iimeylada loo diro waxaananu ku hayn doonaa dokument ah Su'aalaha Badanka la Iswaydiiyo websaytka Waaxda Ardayda Xilliga Hore.