War-bixinta qoysaska laga siinayo isticmaalka iPad-ka (Soomaali)

Fomkani oo ah mid laga heli karo interneet-ka waxaa loogu talo galay qoysaska ay u suurta gali waysay in ay ka qayb-qaataan xafladii War-bixinta qoysaska lagaga siinayay isticmaalka iPad-ka ee lagu qabtay iskuulka ay ilmahoodu dhigtaan.

Gudaha foomkani waxaad ka heli kartaa ,link kugu xirayo bogga internetka ah ee "Student and Family iPad Handbook," oo aad ka daawan kartid video/muqaal ku saabsan isticmaalka iPad-ka. Sidoo kale foomkani gudahiisa waxaad ka heli kartaa foom kale oo aad ku buuxin kartid maclumaadka ku saabsan ardayga. Intaas waxaa dheer oo aad foomka ka dhex heli kartaa qayb aad ku aqbali kartid kuna saxiixi kartid heshiiska dayminta iPad-ka ee ardaygu laga rabo inuu galo(Student iPad Loan Agreement)

Waxaa haboon in waalidiinta iyo ilmahoodu ay isla akhriyaan fomkani si wada jir ahna u buuxiyaan meelaha looga baahanyahay. Ilmahaagu wuxuu isticmaali karaa iPad-ka ka dib marka aad bogtid akhrinta foomkani oo aad aqbashid heshiiska ku qoran.


WAXA LAGAA RABAA WAA IN AAD:

1. Akhrisid buuga gacan-qabsiga ah ee ardayda

2. Daawatid video/muuqaal ku saabsan qaabka loo daryeelo iyo qaabka si nabdoon loogu isticmaalo iPad-ka.

3. Dib u eegtid caqabadaha ka dhalan karo hadii iPad-ka marar badan ardaygu uu jabiyo, lumiyo ama laga xado

4. Akhrisid oo aad saxiixdid heshiiska dayminta iPad-ka ee ardaygu laga rabo inuu galo (Student iPad Loan Agreement.)

akhrinta foomka oo idil waxay qaadanaysaa 15-20 daqiiqo.


TILMAAMTA BUUXINTA FOOMKA:

Riix badhanka “CONTINUE” ee hoos kaga qoran bog kasta si aad oogu gudubtid bogga xiga ee foomka. Marka aad foomka dhamaysid riix badhanka “SUBMIT” . Hadii marka aad foomka buuxinaysay aad ku buuxisay email-kaaga waxaad helaysaa fariin cadaynayso in aad foomka gudbisay.

Macluumaad dheeri ah waxaad ka heli kartaa barta https://personalizedlearning.spps.org

OGOW: Qoysasku waa in ay u buuxiyaaan foom gaar ah arday kasto.

Riix badhanka CONTINUE ee hoos ku qoran si aad oogu gudubtid bogga xiga.