Published using Google Docs
Ima soo marin siduu u siibay caadle.doc
Updated automatically every 5 minutes

DHIIGGA RAQIISKA AH (W/Q:-AXMED CAADLE)

Bismillaah, caalamkan aan kunoolnahay wuxuu soo maray maraaxil kala duwan, waxaa jiray waqti dadku ey sinaayeen, waxaa jiray waqti la’is adoonsado, waxaa jiray ilaa iyo maantana jiro wax layiraahdo cunsuriyad, intaba waa wax ey dadku yaqaanaan, maraaxisha noloshana lasocday, balse waxa kucusub dunidan kana fool xun wixi kahoreeyay waa arinta aan u waayay eray bixin aanan aheyn “Is-yasid”, qolo hadii ey qolo kale yasto waxaan ugu yeernaa “Cunsuriyad”, balse qolo nafsadeeda yaseyso maxaan ugu yeeri karnaa?.

Hadii aad mudo kooban kufikirtid waxa caalamka kadhacaayo waxey kugu noqoneysaa fajac iyo anfariir, aan kabilawno bariga dhexe oo ah goobta ugu weyn ee ey muslimiintu ku dhibanyihiin, eeg xaalada Falastiin, gobalka Gaza waxaa ku rafaadsan malaayiin caruur iyo waayeelba iskugu jira, aduunka maanta waxey kanoqotay caadi in maalin kasta laga hadlo askariga yahuudiga ah ee kuxiran Gaza, kahadlid waa dhaaftay oo waxey gaartay in si bareer ah loo yiraahdo: Gaza wax dhibaateysanba waxaa kajooga Shaaliid (yahuudka uxiran Xamaas), ilaah baan kugu dhaariyaye waa maxaay qiimaha uu leeyahay dhiig cabaha yahuudiga ah oo eysan laheyn caruurta reer falastiin, lama yaabani yahuudu in ey wiilkooda u doodaan, balse waxa iigu yaabka badan waxey tahay in xataa falastiiniyiintu qiimeynayaan, Xamaas waxey diiday in askarigan ey kubadashaan 1000 maxbuus oo falastiini ah, soo arintaa uma eka in Xamaas ey aaminsantahay in askarigan uu kaqaalisanyahay 1000 falastiini ah, maxaa kadhigay dhiiga falastiiniga mid karaqiisisan kan Israeliga?, wax lagu sababeyn karo majiraan oo aanan aheyn IS-YASID.

Eeg xaalada ciraaq, imisa caruur ah ayaa ku agoomowday duulaanka reer galbeedka?, imisa hooyo ayaa ku gablantay?, jariidada Al-xayaat ee ku baxda afka caribiga ayaan ka aqriyay warbixin muujineysa tirakoob lagu sameeyay agoonta reer ciraaq ee aanan heysanin kaalmo kufilan, aqiristow imisa ayaad isleedahay wey ku agoomoobeen ciraaq?, imisa caruur ah? 1000?, 10000? 100000?, 1000000?, wallaahi waa arin xanuun badan marki lagu yiraahdo Ciraaq waxaa kunool afar milyan oo agoon ah, subxaanallaah, afar milyan!!!, malahan cid kafaala qaaday, mana lahan cid tadaamun lasameysay, intooda badan waalidkood waxey kula’deen duulaanka reer galbeedka, cid u istaagtay malahan badbaadintooda, dadka isku dayay in ey dagaal galaane waxaad moodaa in dabka uun basiin kudarayaan oo ey xaaladu tahay jug jug meeshaada joog iyo kasii xun, waxa aan uleeyahay sidaana ma’ahan in ey dagaal galeen, balse dhiiga askariga mareykanka ah ayaa kala qaalisan kan ciraaqiga ah, qarax ey sameeyaan hadii uu ku geeriyoodo hal askari oo mareykan ah + 50 ciraaqi ah jawaabtooda waa “takbiir, allaahu akbar”, meeshi ey oran lahaayeen “inaa lillaah, dad baan iska dilnay” anigu waxaan u arkaa arintaa IS-YASID.

Soomaaliya eeg, waxaa jira laba cajuuz oo ingiriis ah oo ey heestaan burcad badeedu, waxaa aad iiga yaabineysa sida dowlada ingiriiska ey ugu dadaaleyso sii deynta duqowdaas, beynamaa soomaalida ey maalin kasta iska disho dad badan, arinta aan aad ula yaabo waxey tahay duqeymaha leesku dhaafsado muqdisho, gantaalka lagu rido Amisom meeqa ayuu kadila?, kan ey Amisom soo ridase meeqo ayuu dilaa?, isku day in aad muqaarano sameyso, allahuma 100 gantaal oo lagu rido Amisom in mid lala helo, beynamaa halka gantaal ee ey soo ridaan uu dilo soomaali, ma waxaa jirto IS-YASID kaweyn  arintaa, arintaa sow ma’ahan “Amisom aan kanixino afartan hanaga dishee”?.

Aduunka meel kasta oo aad eegtid waa sidaa, muslimiinti ayaaba is yaseeyso, oo dhexdooda dhiigooda waa ka raqiis, waxaana kala qaalisan kan ey ladagaalamayaan, heer waxaan mareynaa aanan xataa ku raaxeysan karin aqrinta taariikhda dahabiga ah ee Islaamka, marki aad aqrisid amiirkii Muctasim oo ciidan u kiciyay gabar muslimad ah oo gaalo qabsatay inti aad farxi laheyd waad murugooneysaa waayoo waxaa kuhor imaanaya fariintii ey Faadumo kasoo dhex dirtay xabsiga Abuu gareeb ee gudaha Bagdaad (caasimadii Muctasim), furashadii Salaaxudiin ee Aqsaa aqriskeeda ayaanan ku farax galineynin waayoo waxaa ku murjinaya xaalada Aqsaa ee maanta, taariikh waliba oo qaali aheyd oo uu islaamku lahaa wuxuu Zamankan isku badalay mid mugdi ah, caalamka islaamkana wuxuu marayaa marxalad tii ugu xumeed oo abid soo marta, iska daa in risaaladii ilaahey udhiibay gaarsiiyo caalamkee, asagii ayaaba  nuqsaan galiyay.

Allaahuma rudalmuslimiina ilaa diinika maradan jamiilaa, Aamiin.

W/Q: Axmed Caadle

Caadle2@hotmail.com


Xigasho: hillaac.net