Published using Google Docs
25- Doorsoon
Updated automatically every 5 minutes

DOORSOON waa maansadii 26aad ee diiwaanka nabadda iyo deeleyda qarniga 21aad.

Maansadan Doorsoon waa mid ka mid ah silsiladda Deeleeyda Qarniga waxeey daba socotaa kuwii ka horeeyay gaar ahaan Danasheeg iyo Diiwaanka kuma arag,kadib markaan arkay sideey wax walba isu dooriyeen ayaan ku fikiray inaan Dadka dareensiiyo isbedelka ku dhacay iyo haddii aaneey ka gaashaaman kan ku soo fool leh,wixii shar ah Rabbi sw ayaan ka megen galnay,laakiin wuxuu na faray inaan marwalba ka digtoonaano.

waxaa ku qoran qaanuunka caalamiga ah ee  jimciyada quruumaha ka dhaxaysa wadanka aan lahayn dowlad mudo 20 sano ah in la geliyo maxmiyad  lagalana wareego awooda dadka deggan haday heshiin waayaan. bal hadaba maansadii doorsoon iyo aqristaha aan idiin kala baxo ee bogasho wacan:-

Maansadii(Doorsoon)

Doorsoontay xaajadu

Haddii daalki lagu jiro

Hadduu reerku weli degin

Haddaan leys daneeyneyn

Haddeey labadi daamood

Haddeey hadalki daayeen

Haddaad diido waanada

Duulaan hadduu jiro

Haddaan leysu diirnixin

Maansooy digniinleey

Degmo iyo dadkeedleey

Calan doowladeedleey

Dana gaara badanleey

Afdaboolan dahableey

Iskuduubni diidleey

Nin doorkaan kudeeynine

Maxaad noo dardaarwerin

 Doontaanu fuuleen

Ku gudbeeyno dooxada

Qofki daadaheeyaa

Haddaan lala dadaaleyn

Ooy qaar daloolshaan

Qaar dabada haaystaan

Kuwa dumiya mooyee

Weli aan dad loohelin

Hadduu daad ku soojabo

Shiraacuna dabeeylaha

Hadba dacal u jiitaan

Daasada ku dhuris iyo

Daardaarin daayee

Qofna aan daneyneyn

Yaa neef dadkii lihi

Duudka uga jiifsaday

Rujinkara dadweeynoow?

 Afartaa dulxaarkii

Doorsoon ku magacoow

Aan daxalka laabtiyo

Dareen li'ida jiiftaa

Daah kaaga qaadee

Haddii aad da'weyntahay

Dib u fiiri waayaha

Dagaalkii gumeystaha

Wixii daal la soo maray

Aaway danabyadeenii

Duulaanka ugu jiray

Ineey calanki doonaan?

Aaway dumarki dahabkii

Dukaamada u geeyeen

Ineey deeq u bixiyaan?

Madoonoo hadana dumi

Ayaan hadal ku deeynaa?

 Feker duulki diidaa

Oon garan maxaa dana

Diradiraha sheeydaan

Dabka wuu ku huriyaa

damiir xumo hajoogtee

Waxeey daba ordaayaan

Si'aan daawo loo helin

Iyo weli ka sii daran

Kala daadsanaan iyo

Isdoondoon la'aanteed

Ineey kala dadoobaan

Dibnaan leysu soonoqon

 Dawa malaha geeridu

Dacwa malaha ruux maran

Duqoow malaha mooryaan

Daaci malaha sheeydaan

Dugsi malaha doqonimo

Dembi maleh carruurnimo

Diin malaha gaalnimo

Difaac malaha fulaynimo

Dayac malaha gobanimo

Daymo malaha foolxumo

Dudun maleh dugaalnimo

Dakane maleh walaalnimo

Dugaag malaha sii deyn

Haddaan kala dambeyn jirin

Hadduu daabki qoriyahay

Hadduu dile hogaan rabo

Haddeey nabadu diid tahay

Haddaan deeyro wadanahay

Haddeey digo hulaaq tahay

Haddii dirac la duudsiyo

Hadduu doqon warkii jiro

Haddii culimo diineed

Haddeey kala digraayaan

Haddii kii dembiga  wada

Haddeey duul u hiilshaan

Haddaan daaya laba oran

Haddii leysla duulaa

 Daganaaba weli dagan

Haddeey duul walaala ah

Laduubteen cadaawaha

Haddeey dirir dhexdooda ah

U dabaal degaayaan

Haddeey duurgaleenkii

Dalka noogu keeneen

Haddii madax nin duubtaa

Diintuu wakiil yahay

Haddii dooraweeynuhu

Difaac doowladeed yahay

Haddii eey dadweeynuhu

Labadaranba doorteen

Hoobiyana loo diray

Madaafiicna doogtaan

Ooy dani ku gaartahay

Iyo curato diimoon

In ladilo bannaantahay

Oon cidi u diirnixin

 Haddii daarihii xamar

Dumiyaay lawada yiri

Hadduu qaxu degaanyahay

Dib ugurasho xeel yahay

Haddu guul dagaal yahay

Dabaka'eri sidii yahay

Haddaan diradiraalaha

Lagu darin cadaawaha

Haddaan daaqsin jiilaal

Awr dabarka lagu xirin

Haddeey dirinta geedkii

Duqoowdii fadhiiseyn

Haddeey qaar danmoodeen

Ineey dibada aadaan

Haddeey ceyr durduurtaan

Carruurtana daweeystaan

Dugsiyana u aadaan

Haddeey doolarkoodii

Dagaalada u dhiibaan

Hadduu daashka kii lihi

Dumiyaha la xeeryahay

Haddii dunida oo idil

Dalwalbaa nabdoon yahay

Oo kii dagaal rabo

Loo diro dalkeenii

Haddeey dumarku saabaan

Dusha kula qaxaayaan

Hadduu ruux degaan kale

Dareen li'i ku mari karin

Haddii diin Illaaheey

Qaarba meel ladoonteen

Haddii aan dagaag nahay

Dibadda iyo gudahaba

Haddaan calanki diidnoo

Qaarba maro u doonteen

Astaantii dalkeenii

Hadduu dookh ninkii yahay

Haddii danabyadeenii

Aakhirada loo diray

Haddii eey dullaaliin

Dabka naga gedaayaan

Haddii  kii dulmiga wada

Duud libaax damgiigsado

Haddeey daafi qurunleey

Noo kala dabqaadaan

Hadduu daabki nagu dhacay

Diilintiisu baabi'in

Haddii daqaradeenii

Weli doogsi loo helin

 Doorsoontay xaajadu

Waana kama dameystii

Ninkuu digay kumuu dilin

Waa naloo danleeyahay

Dalki waa la qeybsaday

Dulmanoow bal ila garo

Ineey labada daamood

Gumeystaha dantoodiyo

Damacooda gaarka ah

Ku dadaalayaanoo

Dadka wada dilaayaan

Qaar daabulaayaan

Dibada u qaadaan

Qaar doolar siiyaan

Derejana u sheegaan

Qaar eey ku dumiyaan

U diyaarsanaayaan

Anagoon dareen qabin

da, guyaal labaatana

cishiriin  diraacood

Dalkaan kala dambeyn helin

digreetada aduunyada

dastuurkay wadaagaan

waa shay ku daabacan

deg deg qaybsi lagu rido

in la kala dillacshaan

Oo kala degaayaan

degmo weliba reer helo!!!

Yaa dugaaga xoolaha

Duunyo weligii raacsaday

Ooy daaqsin geeysooy

Dib u soo xaroodeen?

Waa sheeko diimoon

Oon weli ladaalacan

Dheg dareensaneey maqal

Doorsoonku waa halis

Diintuu u daranyahay

Waa leys dulleystaa

Dhaqankaa la doorshaa

Waa soo duxaayaa

Haddaan leygu diideyn

Da'yartuu asiibaa

Duqoowdeey ku diimaan

Dadabeey u fiishaan

Waa duumadoo kale

Iyo weli ka sii daran

 Waxaa iga dardaarana

Hala dego colku hadego

Somaliyeed duman

Noqo ul iyo diirkeed

Dib u gocasho yeey jirin

Diintuna ma qeybsana

Firqawaliba dookheed

Digriwaliba shiikhii

Degmo waliba beesheed

Hadda iyo danteenii

Isku duubnideenii

Dalku waa dalkeenii

Dadku waa dadkeenii

Doorsoonka nagu dhacay

Dameeyluhu ha qaadeen

Meel daran hageeyeen

Rabbigeen ha daawiyo

Dallaalana Alloow keen.

 Aamiin  Aamiin  Aamiin.

 Waa qalinkii

Abwaan Axmed Xaayoow

 xaayoow09@hotmail.com