Published using Google Docs
demining.001.doc
Updated automatically every 5 minutes

2

SOMALI DEMINING &  UXO's ACTION GROUP CENTRE

XARUNTA MIINO SAARIDDA &

UXO-da SOOMAALIYEED

مركز مجموعة صوماك






Ref: __________________                                      Date:______________

KU: MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA

        MUD. CABDINUUR DARMAAN                            MUQDISHO

                        UJEEDDO: WARBIXIN

Mudane Madaxweyne

Waxaa sharaf inoo ah in aanu halkan kuugu soo gudbino warbixin faahfaahsan oo ku saabsan qaabka dhismo ,shaqo iwm ee xarunta miinosaarka & Uxo-da ee Soomaaliya. Waa tan warbixinta iyo hawlgalada hay’adda.

AASAASKA XARUNTA

Xaruntan waxaa la aasaasey sanadkii 1992dii waxaana markii ugu horeysey magaalada Muqdisho, iyadoo fikradda aasaaskeeduna ay lahaayeen khubaro Soomaaliyeed oo aqoon u leh waxyaabaha kala duwan ee qarxa.

Inta badan khubaradan waxay ka mid ahaayeen ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

BAAHIDA LOO ABUUREY XARUNTAN

Kadib  markii dalka Soomaaliya ka dhaceen dagaaladii  77kii ee lala galey Ethiopia iyo kuwii ka dambeeyey ee sokeeye, taas oo sababtey in uu hub fara badan ku faafo dalka daafihiisa kala duwan.

Hubkaa faraha badan ee dalka ku baahay , qaasatan kuwa qarxa waxay dhibaatooyin badan oo dhimasho iyo dhaawac ahba  u geysteen bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan haweenka iyo carruurta, kuwaas oo intooda badan aan aqoon u lahayn waxyaabahaas qarxa.

Khubarada iyo saraakiisha ku jira hay’addan markii ay arkeen dhibaatadaas culus ee soo wajahdey ummadda Soomaaliyeed, duurjoogtii oo dalka isaga qaxday iyo xaalufin xawli leh oo ka socota dalka ayay go’aansadeen in ay abuuraan hay’addan miina saarka Soomaaliyeed oo u taagan in ay badbaadiso inta ka hartay dadka iyo kheyraadka Allah ku maneystay wadankeena.

Intii ay jirtey hay’addan waxay talo bixino iyo baraarujin ka fulisey gobolo badan oo dalka ka tirsan iyadoo uga digtey dadka ku nool goobahaas in aaney marnaba u dhowaan  amaba faraha la gelin biraha iyo waxyaabaha kale ee aysan aqoon u laheyn kuwaas oo noqon kara waxyaabaha qarxa, isla markaana ay xeyndaab u sameeyeen baraha ay yaalaan miinooyinka iyo xabadaha waaweyn ee qarxa.

WAXQABADKA XARUNTA

Talo bixinada iyo baraarujinta ay sameysey kadib xaruntu waxa ay qabatey hawlo aad u dhib badan oo kuwaas oo u baahnaa taxadar iyo feejignaan dheeri ah.

Waxaana ka mid ah:-

-Uruurinta noocyada kala duwan ee waxyaabaha qarxa ee dala ku firirsan, iyadoo lagu guuleystey in la soo uruuriyo lana burburiyo miinooyin iyo xabadaha waaweyn, iyo gantaalaha lidka diyaaradaha iyadoo hawlgaladan laga fuliyey degmooyinka Sablaale, Baardheere, Luuq carbiska Afgooye iyo wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Xaruntu waxay kaloo diyaarisey buugag si hufan u qeexaya waxyabaha qarxa iyo waxyeelada ay geysan karaan iyadoo ay dheer tahay cajalado maqal iyo muuqaal ah oo ku saabsan miino saarka.

Dadaalo badan oo ay xaruntu sameysey si ay xiriiro caalami ah ula sameyso hay’adaha caalamiga ee siiba kuwa qaramada midoobey iyo kuwa kahortagga miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa ayaa ku dhamaadey natiijo la’aan iyadoo shuruud nalooga dhigey in marka hore Soomaaliya ay dowlad yeelato nabadgelyo buuxdana laga hirgeliyo dalka goboladiisa kala duwan.

Arinta kale ee muhiimka ah ayaa ah iyaddoo jiritaanka dhibatada miinooyinka ay ku sii badaneyso dalka ayaa haddan waxaan jirin ilaa iyo hadda wax hoggaamiye kooxeed ah oo qirtay ama ka hadlay dhibaatada miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa intaba.

Hub ka dhigista la damacsan yahay in Soomaaliya laga fuliyana inta badan la soo hadal qaado uun hubka garbaha lagu qaato oo qura oo aan la soo hadalqaadinba miinooyinka iyo waxyaabaha kale ee qarxa.

Waxaa la wada xusuusan yahay in 1994  golaha amaanka ee qaramada midoobey uu  u aqoonsadey qaraxyada noocyada miinooyinka ay yihiin qatarta koowaad ee ku wajahan dunida iyo nooleyaasheeduba marka laga reebo hubka waxyeelada baahsan geysta.

BAAHIDA XARUNTA

Tan iyo asaaskii xaruntan 1992 xubnaha xaruntu waxay ku shaqeynayeen si mutadawacnimo ah iyo dhabar adayg ay isku dhaarsadeen oo suura gelisay in laga soo gudbo caqabado fara badan oo soo wajahay waxqabadka hay’adda.

Haddaba inagoo ka faa’iideysaneyna booqashadaadan qiimaha leh ayaan mudane madaxweyne adiga iyo dowladaadaba ka codsaneynaa waxyaabaha hoss ku qoran:-

1-Qalabeynta xafiisyada xarunta SOMMAC GROUP CENTRE oo ka kooban –Hoolka shirka, laba xafiis ee dabaqa hoose iyo laba xafiis oo dabaqa sare ah, wadartu waa Hoolka iyo afar xafiis. sida daahyo, miisas, kuraas, shumac , taleefoon, armaajoyin iyo wixii kale ee muhiim u ah xafiisyada.

2- Maadaama hawlaheenu ay dhimasho iyo dhaawacba leeyihiin waxan kaloo codsaneynaa in nala siiyo daawooyin si aan gurmad deg deg ah ugu fidino ciddii ay waxyeelo ka soo gaarto hawlgaladeena.

TAAGEERO IYO WADASHAQEYN

Xarunta miino saarka Soomaaliyeed iyadoo ku hadleysa magaca khubarada, injineerada, aqqoonyahanada ,saraakiisha iyo farsamayaqaanada ku baahsan gobolad tiro ahaana dhan 624 waxay balanqaadeysaa wadashaqeyn buuxda oo ay la yeelato dowladda Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxaan kaloo mahad u celineynaa hay’adihii gudaha iyo dibaddaba hore gacanta uga geystey hawlgaladii yaraa ee miina baarista ee  ka dhacey dalka Soomaaliya, iyo weliba odayaasha dhaqanka iyo saxaafadda gudaha iyo kan caalamiga ee ina gacan siiyey.

WA BILLAAHI TOWFIIQ

GUDDOOMIYAHA XARUNTA MIINO SAARKA IYO  

UXO-da soomaaliyeed

ENG. XAASHI XASAN FOODCADDE