Published using Google Docs
Damaq iyo dardaaran.
Updated automatically every 5 minutes

Bismillaah Wassalaatu Wassalaamu Callaa Rassuuli-laah Scw-

Assalaamu Caleykum Waraxmatullaah Wabarakaatuh -

 

Maansadan Damaq Iyo Dardaaran Waa Mid Laa jaanqaadaysa Islamarkaana Kamid ah Deeleyda Qarniga 21aad -

 

Maansadan Oo sidaad Magaceeda ka dheehan kartaanba ah Damaq Iyo Dardaaran ,Waxay qaybta hore Si aan daah soonayn diirka uga qaadaysaa Nabarada iyo boogaha ay bulshada soomaaliyeed ka dhaxleen Dowlad iyo qaran La,aanta,,Qaybta danbena waxay Si xeeldheer ula dardaarmaysaa dhalinyarada iyo Hanaqaadka soomaaliyeed dhamaantood oo ay leedahay idinkoon qolo iyo qabiil isku kala saarin Isku Duubni Iyo Wada Jir Ku Doona Dawada Dalkiina Iyo Dadkiina-

 

Maansadii Damaq & Dardaaran .

___________________________ .

 

01-Da´yartaan Jeclayeey

02-Ubaxii Dalkeenaay

03-Doorroonayaashii

04-Deeleyda Qaranimo

05-Noo Daadaheeyee

06-Daaheeda furayee

07-Dib Usoo Yagleeloow

 

08-Alle Ha Idin daayee

09-Daafaha aduunyada

10-Doc kastood ka joogtaan

11-Duco iyo salaanbaan

12-Idiin soo diraayaa

 

13-Derejo iyo maamuus

14-Rabi idinku deeqyoo

15-Intaad dunida joogtaan

16-Diihaal ma aragtaan

17-Misna daarta aakhiro

18-Durdurki Fardowsaad

19-Ku dabaasha gabigiin

 

20-Waxse iga digniinoo

21-Marna Iga dardaarana

22-Deeleydu yay noqon

23-Dibin-daabyo Qaranoo

24-Ummadaa dayacane

25-Dacdaraysane jabay

26-Marna yaanay uga darin

 

27-Waa inay mid dooroo

28-Udagaasha nabadoo

29-Dawo keenta noqotaa

30-Dalka noo midaysaa!

 

31-Aan Hoos udaadego

32-Dulucdayda hoos dhabo

33-Geeraar da´waynoo

34-Damaqiyo dardaaranaan

35-Soo daynayaayoo

36-Waan di´ sidii roob

37-Waan daliilin maansada

38-Dacal dhaafi maayee

39-Dowgeda waan marin

 

40-Soomaalaay dareenlaay

41-Doqoneey war moogeey

42-Maxay gabadh dirkeenaa

43-Derin gaal lajiiftaa

44-Dirac wiilasheenaa

45-Maxay gaal ku dayatoo

46-Suunku dabada joogaa

47-Timuhuna u dabanyihiin

48-Dhagahuna u duranyihiin

49-Oo soo dalooshaday

50-Dahabna uu ka lulanyahay

51-Dhaqan doorsan weeyee

52-Duqey iyo waxgarad maleh

53-Iyagaaba ugu daran

54-Fadhigay ku diriraan

55-Dagaalada sookeeyana

56-Waa ku diirsanaayaan

57-Qaar doonyoo saarnaa

58-Dibadaha uwaalnaa

59-Iyagoon dabaal baran

60-Bad maxay ku daateen

61-Dumar iyo carruur badan

62-Dalkoodii kasoo qaxay

63-Door biday qaxoontiga

64-Maxay dayrar jiifaan

65-Dawarsanaya Gaalada

66-Darxumiyo kunool silic

67-Maxay daawo waayeen

68-Duumaduna laysoo

69-Dhallaan xaaqay daacuun

70-Taa waxaa kasii daran

71-Maxay qaar dareen li´i

72-Duqaq iyo rag laayen

73-Diintu dhowra ina tidhi

74-Taa waxaa kasii daran

75-Indho deeraleey iyo

76-Hablaheena dahabkaa

77-Maxay qaar damiinaa

78-Damac uu ka galayoo

79-Dariiq aan haboonayn

80-Dirqi uga dhigeenoo

81-Dusha uga baxeenoo

82-Dantoodii heleenoo

83-Dabadeedna dooxeen

84-Taa waxaa kasii daran

85-Maxaa hooyo diracada

86-Dulmi lagula kacayoo

87-Laga dumiyay gurigii

88-Duqeediina laga dilay

89-Oo uhoyata dibadaha

90-Dariiqyada madowga ah

91-Ubadkuna doc yaalaan

92-Ma duugowdo lahashadu

93-Ma diyoobo maankuna

94-Ma iloobo digashada

95-Dadku ay ileeyiiin

96-Nin dalkiisa dayrshoow

97-Muxuu dawarsi kuu tari

98-Maxay dowlad kale iyo

99-Dad shisheeye kuu qaban

100-Sow kii duqi yidhi

101-Derejiyo wanaagiyoo

102-Dadnimo iyo maamuus

103-Dalkaagaad ku leedahay

104-Ila durugyay hadalkuye

105-Deyr waxaan kusoo xidhay

106-Mid yaroo dardaarana

107-Da´yartii hadaan nahay

108-Ubaxii dalkaan nahee

109-Ma dhisnaa dalkeenii ?

110-Dadka ma isku keenaa ?

111-Diinteeni wacaniyo

112-Ma tusnaa dariiqada

113-Siduu Yidhi darwiishkii

114-Inagaa dalkaba lehe

115-Dowlad ma uhorseednaa ?

116-La is wada dagaalyoo

117-La isku wada danbaabyoo

118-Taa waan ka daalnee

119-Ma dhahnaa dadkeenoow

120-Danbi dhaafka door bida ?

121-Inay labada daarood

122-Mida hore darxumo tahay

123-Ta danbena dahabi tahay

124-Doog iyo ugbaad tahay

125-Janno lagu dabaashiyo

126-Deeqda eebe ay tahay

127-Dadka ma uwar gelinaa ?

128-Doorkeenii weeyee

129-Dulmiga ma hor istaagnaa ?

130-Xaqa ma udagaalnaa ?

131-Danta guud ma eegnaa ?

132-Dabka shidan ma daminaa ?

133-Ubadkeena Daayacan

134-Daryeel ma usameynaa ?

135-Dugsiyada ma geynaa ?

136-Hooyada darbiga taal

137-Laga dumiyay gurigii

138-Duqeediina laga dilay

139-Ee uhoyata dibadaha

140-Dariiqyada madowga ah

141-Ubadkuna doc yaalaan

142-Dib u dejin ma siinaa ?

143-Dalkeenaa burburayee

144-Dagaaladu ragaadsheen

145-Dowladnimo saraysiyo

146-Daganaansho iyo nabad

147-Makusoo dabaalnaa ?

148-Distoorkiyo shuruucdii

149-Iyo kala danbayntii

150-Dalku uu lahaan jiray

151-Dib ma usoo yagleelnaa ?

152-Ma doorsamaheeniyo

153-Calankeena dahabkaa

154-Dugsigiyo gabaadkaa

155-Dawadiyo astaantaa

156-Sida ubaxa dayreed

157-Doogada la moodee

158-Daawashada ku qurux badan

159-Inaga duleynoo

160-Derejadii ka qaadnee

171-Diifta iyo boodhkiyo

172-Dambaska maan ka maydhnaa ?

173-Dusha maan ku qaadnaa ?

174-Deegaanadeeniyo

175-Dacalada dalkoo idil

176-Isagoo daruur u eg

177-Dib mar uga taagnaa ?

178-Dirir iyo colaadiyo

179-Haddii uu dagaal dhaco

180-Intaan la isku dabar go´in

181-Duub iyo Garaadiyo

182-Duqay iyo waxgaradbaa

183-Damin jiray colaadee

184-Dhaqankeena duugaa

185-Udarsade dadkeenuye

186-Dib mar ugu noqonaa ?

 

187-Dadkeenaa lakala dilay

188-Derisyada cilooobee

189-Dabka aanan kala shidan

190-Geed damala hoostii

191-Xariir ma ugu daahnaa?

192-Darin ma ugu fidinaa ?

193-Dugsi maleh qabyaaladi

194-Waxay dumiso mooyee

195-Waa hadal da`waynoo

196-Abwaan duubay waa hore

197-Daartii janada iyo

198-Durdurkii fardowsaan

199-Ana ugu duceeyaa

200-Inuu noo dabaashee

201-Daa`inkii na uumaan

202-Darxumadan la kulansiin

203-Marna uma dulqaateen

204-Hadduu dunida joogee

205-Waa siduu ka digaye

206-Duligiyo qabiilkiyo

207-Kala daadsanaantaa

208-Naga reebey dunidoo

209-Cudur ina duleeyoo

210-Dawo helinin weeyoo

211-Dambarkiisii aragnee

212-Uliyo diir ma noqonaa ?

213-Dalkii waa la qaybsaday

214-Ninba daan go´doonsii

215-Dudun-land ku magacow

216-Dorraataa u dambeyso

217-Mid baa loo dabaal degey

218-Doorroonayaaloow

219-Midnimadii dugsoonayd

220-Inagoon ka daalayn

221-Iyadana ma doonaa ?

 

222-Doora waynta cadowgaa

223-Damacoodu wuxuu yahay

224-Inay diro direeyaan

225-Dabin ay uqoolaan

226-Umadeena daayacan

227-Isku duubnideeney

228-Inoo diidayaanoo

229-Inaan kala diyownoo

230-Kala daadsanaanoo

231-Kala dowlad noqonoo

232-Aan itaal darraanoo

233-Mid mid noo dillaanoo

234-Is daryeeli wayno

235-Damacoodu weeyaan

236-Dana nooma aha tase

237-Digtoonaan ma qaadnaa ?

238-Diinteenu siday tidhi

239-Isku duubnideeniyo

240-Midnimaa inoo dana

241-Inaan kala dudnaa iyo

242-Kala durugu kheyr maleh

243-Duul wada dhashaan nahay

244-Dad islaama baan nahay

245-Dad walaala baan nahay

246-Dal ayaan wadaagnaa

247-Diin baan wadaagnaa

248-Daaqsin baan wadaagnaa

249-Diir walaalnimeediyo

250-Dan ayaan wadaagnaa

251-Dumar baa ukala dhaxa

252-Deegaanadeenee

253-Waxaan isku dileynee

254-Isku dabar jaraynee

255-Dadka uga yaraaney

256-Sow maaha doqonimo ?

257-Dhalinyahay diyowsane

258-Ka ambaday dariiqii

259-Dagaal Oogayaashiyo

260-Daba dilifka Caan baxay

261-Iibsaday dalkiisii

262-Dannaaniirta loo qoray

263-Dhiga dabinka gaalada

264-Hadba Meesha loo diro

 

265-Damiir-laawayaashaa

266-Udambeeya Maantee

267-Diinti raxmaankiyo

268-Dariiqii Rassuulkeen Scw

269-Docdii ay jeclestaan

270-Udaliishanaayee

271-Dabar gooyay Shacabkii

 

272-Da´yareey dhammaantood

273-Inagaa udirirnoo

274-Danabkiyo rasaastaba

275-Sida ina dameeraad

276-Dusha oogu qaadnoo

277-Danahooda fulinee

278-Iyagana Ma diidnaa ?

279-Dastuurkeenii weeyee

280-Diinteena gabigeed

281-Duuduub ma uxambaarnaa ?

282-Daraawiish jidkeediyo

283-Dariiqay Syl

284-Xornimada ku dooneen

285-Daah nagama xiga oo

286-Dahaadh nagama saarnee

287-Da´yareey ma raacnaa ?

288-Diyaar ma utihiin taas ?

289-Deg-deg aan war kiin helo !

 

Eeeboow Ummadoo Nabad Ah !

Khaliif Faarax Xayir

xayiryare@hotmail.com .

Wassalaamu Caleykum Waraxmatullaah Wabarakaatuh .