Published using Google Docs
Questions about Kindergarten 2022-23_Somali
Updated automatically every 5 minutes

Su'aalaha ku saabsan Xanaanada 2022-23

Español | Tiếng Việt | 普通话音频 |  Русский | English

U diyaargarowga Xanaanada

Maxaan sameyn karaa si aan ilmahayga ugu diyaariyo maalinta koowaad ee xanaanada?

Hadda iyo bilowga iskuulka,waxaad ilmahaaga ka caawin kartaa waxbarashadiisa adiga oo siinayo fursado fara badan oo hadalka, dhageysiga, dhaqaaqa, ogaanshaha iyo ciyaaraha. Waxaan ka warqabaa in xaalada aan hadda ku jirno ee dhinaca nabadgelyada caafimaadka inay xadidan tahay sidii ay bulshadu isku dhexgali lahayd- laakiin inaad ilmahaaga waqti siiso oo aad la hadasho sidoo kalena aad dhageysato waa bilow wanaagsan. Macalllimiinta Waxbarashada Xannaanada Caruurtu waxa ay inala wadaageen marka caruurta sheekooyiin lala wadaago, sawiro, heeso iyo in lagala hadlo dareenkooda, waxa ay dareemaan kalsooni fara badan oo ku saabsan bilowga iskuulka. Waxyaabahaasi oo dhan waa waxyaabo aad guriga ku qaban kartaan. Sidoo kale waxaad bilaabi kartaan inaad caadeysataan qaab idiin gaar ah oo aad ku caawin kartaan qoyskiina marka iskuulku bilaabmo.- waqtiga ilmuhu sariirto tago iyo subaxii waa kuwa runtii waxtar leh. Ugu dambeyntii, inaad ilmahaaga u akhrido maalin kasta iyo inaad kala sheekeysato sheekooyinka aad si wada jir ah u akhridaan waxa weeye waxyaabaha ugu wanaagsan ee aad sameyn kartaan sidii aad ugu diyaarin lahayd iskuulka. Iyo, ha ilaawin, Waxbarashada Xannaanada Caruurta oo diyaar loo noqdaa wuxuu qaataa labo dariiqo. Marka aad guriga uga soo diyaargaroobeyso, macallimiintayada Xannaanada iyo shaqaalaha iskuulkuba waa ay kuu sii diyaargaroobayaan- waxa ka shaqeynayaan xilliga gu’ga iyo xaggaaga oo dhan sidii ay diyaar ugu noqon lahaayeen imaanshihiina.  Sidoo kale aad bay u raagsadeen inay caruurtiina la kulmaan sidii ay u bari lahaayeen waxyaabaha cajiibka ah Waxbarashada Xannaanada Caruurta!

Qorsheyaasha IEP iyo 504

Waa maxay hanaanka u diyaarinta qorshaha 504 ama qorshaha IEP ardayda xanaanada galaysa?

Haddii uu ardaygaagu qaadanayay adeegyada Waxbarashada Gaarka ah ee Carruurnimada Hore, waxa loo qaban doonaa kulanka u guurida IEP kahor dhammaadka sannad dugsiyeedka. Xubnaha kooxdaada K-5 ayaa ka qeybgali doona kulankan. Kadib marka uu qabsoomo kulankaaga guuridu, Macallin Waxbarashada Gaarka ah oo ka tirsan dugsigaaga K-5 ayaa noqon doona Maareeyaha Kiiskaaga iyo qofka aad kala xiriiri doontid arrinkan. Sidoo kale, haddii uu ilmahaagu qaadanayo adeegyada Waxbarashada Gaarka ah ee Carruurnimada Hore, uma baahan doontid inaad diiwaangelisid maadaama hore loo hayo xogtiisa.  Haddii aad rumeysan tahay in ilmahaagu u baahan karo  in la qiimeeyo kahor adeegyada Waxbarashada Gaarka, fadlan la xiriir Kooxdayada Qiimeynta Carruurnimada Hore (mgianotti@pps.net) Ugu dambeyntii, haddii aad rumeysan tahay in ilmahaagu uu qabo cudur muteysiin kara helitaanka Qorshaha Qaabilaada ee 504, fadlan la xiriir La-taliyaha Dugsiga ee jooga dugsigaaga K-5.

School Choice and Dual Language Immersion Programs

Sidee ayaan wax uga ogaan karaa barnaamijyada dugsiyada la doorto iyo barnaamijka ardaydu waxbarashada labada luqadood loogu dhigo ee Dugsiyada Dadweynaha Portland?

Haddaba si aad wax badan uga ogaato, fadlan waxaad daawataa fiidiyaashani:

PPS 2022 Welcome to Kindergarten Fiidiyowga

Fiidiyowga Doorashada Dugsiga


Fiidiyowga Waxbarashada Labada Luqadood Lagu Barto

Jadwalka iyo Gaadiidka

Muxuu noqon doonaa jadwalka sannadka soo socda?

Miyay jiri doonaan adeega baska iyo daryeelka ilmahayga ee kahor/kadib dugsiga?

Waqtiyada saxda ah ee bilowga iyo dhammaadka waa ay ku kala duwan yihiin dugsiyadu waxaana laga heli karaa bogga internetka ee dugsiga. Wakhtiga nasashada iyo qadada ayaa lagu dari doonaa jadwalkan maalinta-buuxda ah. Ardayda u qalma gaadiidka waxaa loo qoondeyn doonaa marinnada basaska si ay ugeeyaan ugana soo celiyaan dugsiga. Qaar badan oo kamid ah xaruumaheena, dookhyada daryeelka ee kahor iyo kadib dusgiga ayaa laga heli karaa. Ma siinayno jadwal maalin-badhkii ah ardayda Xanaanada.

Shuruudaha Da'da

Da'dee ayuu ilmuhu aadi karaa dugsiga Xanaanada?

Ilmahaygu wuxuu 6 sanno jirsan doonaa 1-da Sebtembar, laakiin ma dhigan barnaamijka Xanaanada sannadkan. Miyay tahay inaan qorno Xannaanada ama fasalka 1-aad deyrtan?

Sharciga guud wuxuu yahay in carruurtu ay mutaystaan inay iska qoraan Dugsiga Xanaanada haddii ay 5 jirsadaan ka hor 1-da Sebtembar. Haddii ilmahaagu 6 jirsanayo laakiin uusan weli dhigan dugsiga Xanaanada (PPS ama mid kale), adiga ayaa dooranaya inaad ka diiwaangeliso dugsiga Xanaanada ama fasalka 1aad deyrtan. Shaqaalaha dugsiga xaafadaada ayaa ku farxi doona inay kaa caawiyaan inaad go'aan ka gaarto arrintan haddii aad rabto tilmaan.

Dhalashada 5aad ee ilmahaygu waa bisha Sebtembar. Waxaan ka fikirayaa goorta aan isaga ka diiwaangelinayo dugsiga ama haddii pre-k (xanaanada ka hor) loo heli karo da'diisa?

Haddii ilmahaagu jirsan doono 3 ama 4 sanno bisha Sebtembar 1-deeda, isaga/iyada wuxuu u qalmi karaa mid ka mid ah barnaamijyadayada PPS PK - fadlan booqo liinkigan si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan PPS PK.

Diiwaangelinta Xanaanada

Sidee ayuu noqon doonaa habraaca sannadkani iyo maxay yihiin waqtiyada kama dambeysta ah ee diiwaangelinta xanaanada ee deyrta 2023?

Yoolkeenu waa in dhammaan ardayda Xanaanada laga diiwaangeliyo dugsiga bilowga Juun. Waqti kasta oo u dhexeeya immika illaa hadhow, waxaad iskaga qori kartaa onlayn halkan: pps.net/kinderenroll. Haddii aad doorbideyso hanaanka diiwaangelinta ee warqada ah, waxaad la xiriiri kartaa xafiiska dhexe ee dugsiga xaafadaada si aad u hesho warqada. Isdiiwaangelinta hore waxay xaqiijineysaa in lagugu martiqaadi doono dhammaan dhacdooyinka gu'ga iyo xagaaga ee Ku Xidhnow dugsigaaga, inaad heli doontid macluumaad ku saabsan barnaamijyada kala-guurka xagaaga, iyo inaad heli doontid warar cusub oo joogto ah oo ku saabsan qorshayaasha furitaanka dugsigaaga. Haddii aad wax su'aalo ah ka qabtid

hanaanka diiwaangelinta, waxaad la xiriiri kartaa xafiiska dhexe ee dugsiga xaafadaada ama Xarunta Diiwaangelinta & Beddelka ee PPS.

Codsiyada Raadinta Dugsigayga/Beddelka & Bakhtiyaa-nasiibka

Sideen ku helaa dugsiga xaafadayda?

Ka waran haddii aan rabo in ilmahaygu dhigto dugsi kale?

Sidee ayuu nidaamka bakhtiyaa-nasiibku u shaqeeyaa?

Waxaad u adeegsan kartaa aaladda Helaha Dugsiga PPS (PPS School Finder) si aad u oggaato dugsiga xaafadaada. Waxaan kugu dhiirrigelinaynaa inaad booqato bogga internetka ee xanaanada dugsigaas si aad wax badan uga oggaatid! Si aad wax badan uga oggaatid habraacyada beddelka iyo bakhtiyaa-nasiibka, fadlan booqo bogga internetka ee Xarunta Isqorista & Beddelka ee PPS.

Ku Xidhnow Dhacdooyinka Xanaanada

Isku-imaatin iyo munaasabado noocee ah ayay dugsiyadu qaban doonaan sannadkan?

Sannadkan, dugsi kasta oo K-5/K-8 ah wuxuu qaban doonaa 2-3 dhacdooyinka Ku Xidhnow Xannaanada ah inta u dhaxeysa 6-da Abriil iyo dhammaadka sannad dugsiyeedka. Laga bilaabo Maarso waxaad ka heli kartaa jadwalka dhacdooyinka uu dugsigu baahiyay liinkigan. Sidoo kale, dugsi walba wuxuu leeyahay bogga Xanaanada halkaas oo ay ku qori doonaan macluumaadka cusub ee ku saabsan dhacdooyinka Ku Xidhnow. Dugsi kastaa wuxuu kaloo qaban doonaa dhacdooyinka Ku Xidhnow ee xagaaga iyagoo deyrta martigalinaya hagis gaar ah oo loogu talagalay qoysaska Xanaanada. Dhammaan dhacdooyinkan, ha ahaadeen kuwo onlayn ah ama kuwo fool-ka-fool ah, ayaa loo jihayn doonaa sidii qoysaska looga caawin lahaa inay wax ka oggaadaan dugsiga, inay ku xirmaan shaqaalaha dugsiga, iyo ay iyagu isugu xirmaan.

Daryeelka Carruurta

Sideen iskaga qoraa daryeelka kahor iyo kadib dugsiga?

Si aad isaga diiwaangeliso barnaamjiyada kahor iyo kadib dugsiga, gal bogga daryeelka carruurta ee PPS, oo iska diiwaangeli hay'adda daryeelka carruurta shatiyeysan ee dugsigaaga (tusaale ahaan, YMCA iyo Champions). Haddii aad qabto su'aalo gaar ah oo ku saabsan barnaamijyada daryeelka carruurta, fadlan iimeyl u dir childcareservices@pps.net.