Published using Google Docs
09- Ilaahow dhul xoolaad.
Updated automatically every 5 minutes

09- G U U R .

 

Gabaygan waxa uu xaajigu tiriyey sanadku markuu ahaa 1934kii, curintiisana waxaa sabab u ahaa isla hadal iyo dagaal xarig jiid ah oo ka dhex aloosmay xaajiga iyo naftiisa. Gocasho uu higsanayo afadii uu sida aadka ah u jeclaa ayaa sal iyo baarba u ahayd curinta tixdan. niyadda xaajiga oo si aad ah u khushuucsanayd iyo dhaliishii uu ka mutay dumarkiisii kale ayaa badina ku dhalisay in uu xaas kale dib u guursado, inkastuuna jeclaa inuu guursado ayey hadda xulashadii afo kale ee uu guursan lahaa ayaa ku adkaatay.

 

Iyada oo uu haddaba dhaqankiisu u kala qaybsanaa xoolo dhaqasho beer iyo waxyaabo kale oo badan ayaa cabiidinaysay, sidaas darteed isaga oo ka cabsi qabey in uusan dib u heleyn afadii ka dhimatay mid kaalinteediiu buuxisa ayuu tiriyey tixdan.

 

Haddaba hididdiilada xaajigu waxay u badnayd xoolo dhaqasho oo xagg a beerta sidaa uguma hanweyneyn, sidaa darted wuxuu dhaliilay dumarkii uu la noolaa xoolo dhaqiddoodii, didaa awgeed buuna ilaah uga baryayaa in uu siiyo aradda lugu ducaysto xoolo dhaqiddana ku filan in uu hanto gacanteeda, sidaas buuna tixdan oogta kaga caddeeyey, wuxuuna yiri:

 

Ilaahow dhur xoolaad mid aan dhaqan u reereeyo

ilaahow dhasheydaba midaan kala dhaqaajeynin

ilaahow waxaan soo ag dhigo midan dhulka u diidin

ilaahow mid nugu dheefiseen dhagar ahayn duugan

ilaahow mid dhawgiyo lafaha labada dhawraysa

ilaahow waxaan dhaho midan cida ku dhuugaabin

 

ilaahow mid labadii dhashaba dhaqan u reeraysay

ilaahow midday dhihi jireen dhur iyo maan yeelo

ilaahow mid lays dhaho dhashuu nabi ogaa weeye

anaan cawri dhool biro intee lagu dhigaalaayey

ee caano nugu dheefisaan yu’asho dheereeyey

allow soo dhawey meel haddey naga dhaqaaq joogto

haddii kalayse ay nagu dhul tahay labada dhaayood tus.

 

--00—