11- B A A R L E E F.
Carabtu (masaaridu) markii ay ceshatay dhulkii yuhuuddu ka qabsatay 1973kii buu xaajigu u riyaaqay sida geesinnimada leh ee ay libinta u soo hooyeen, waxayna ahayd waqtigii la xoreeyey Baarleef – saldhiggii adkaa ee loogu talo galay in ay yuhuuddu ku caabiso maser, dhul badan oo yuhuuddu markii (dagaalkii 1967kii) ka qabsatayna laga xoreeyey.
Arrintan oo yaab ku ridday adduunka oo dhan iyo xeeladihii lugu jebiyey luguna galay baarleef, ayuu xaajigu si kale ugu farxay, waxana uu tiriyey isla markii uu dhegaha ka qaaday in carabtu baarleef qabsatay, wuxuuna yiri:
Wiilkii Nin weyn lugu diree kalafku wiideeyey
Ee inuu waxyeel geysan karo wadar is taaweeyey
Ee waanadii naga wakoo wacad ilaah diiday
Ee weeraroo degey suweys iyo weylaadkeeda
Oo weliba baytkii wacnaa wacalladii geeyey
Weji nacadkii kibir hadduu subaxyo weynaadey
Anwar saade waaberi sabtuu waajibkii sugaye
Waxyeelkii ku dhacay buu welina mooshe cararaaye
Unadey warkeedii naceen loo warqado geeyey
Waanwaan haddii laga helaa nabad la weydiiyey
Lamana waabin karo ciidankaan laysu soo wacaye
Weji xumada siinaay u taal waayo aragowye
Waaxyaha yuhuud laga jarey walaqadii taale
Weligiis taleex yaan dibkiis daanis loo wicine
Ha wayraxo waraabuhu hadduu cuno waxaa yaale
Ha warjeefo weerkiyo dawacu xayrta loo waraye
Haadkii wax badan soomanaa hays wacaanwaco e
Ha wadiido wayd lama rabee kobocda waaweyne
Asal beeyan walaayada habreed diinta waafiqine
Gooshii wakaakiba colaad amar la weydiiyey
Haddey waa bariis weydo way walabash boydaaye
Walwalkiyo catawgeedu waa toddobo weel dhaane
Ha wareegto waagii beryaba eyda waalaniye
Warshadaha ilaahey ka baxay carabiguu weyne
Haddii laga dhex wacay nabiga waw waalid aadmiga e
Kala weecadkoodaa doqoni wabar is mooddaaye
Kol haddey is wada waafaqaan looma waaqsado e
Nin ilaah wakiilkiisa yahay guusha waa wadane
Ha wargeeyo waagii beryaba taar wixii dhacaye
Annagana walaalaha negee wadajir noolaaday
Wejigeenna nuur baa ka baxay waara abidkiise
Inta weer calaan iyo dawacu nugu wareegaayo
Wedka iyo waxdheef labadu waa noo wadaagsimo e
Wehsi iyo wax quur xumadu waa waxan bannaanayne
Weeradii amxaarada berguu waranku dhiigoobay
Waxtarkii naloo wadey cadwana lugu wareenteeyey
Ee waa la wedi waayey been nalagu waaseelshey
Waaliga caraabiya midduu nugu walaalaystay
Yaan niman abaal wedi aqoon talo la weydiinin
Yaan shalay waxay noo galeen tanu ka waydoobin
Yaan wadanahey noo tahee carab wax loo diidin
------------000-----------------