Published using Google Docs
02- Ilaahow Sayiddii.
Updated automatically every 5 minutes

(2) ILAAHOW SAYIDDII.

 

Ilaahow sayiddii,   lo’i waa sano guurtoo

golaheed lama seexdo,   Arina soof ma hagaago

Geelu suuqna ma haysto birna waa lugu seemay

nin adduunyo la seexday sahwi buu ku jiraa

 

Beeri waa ka sal guuroo dhawr sabaan ma cagaarin

beledna soori ma taalloo isba waa sirya oodan

Safareey wuxu keeney subaxdii ka gataan

Sebenkii ku haleela haddii aad ka sekeyso

addimmaa lugu siiyee Somalaan war qabaahe

meeluu suus ka rogmaayo sahan waa ka negaadoo

Sina' aa dhulka haysa,

 

soddohdii la jeclaa,   iyo wiilashii u samaa

oo gabdhaheeda la seexday,  sarriigtii u dhexeysey

sidoodii hore maahan,

 

saaxiibkaan biri goynin wax sabaan kadambeeyoon

siismo deyna ahayn baa been la suudaliyaa

 

soofkii kaa dibbadooba,   subaxdii lama gooboo

in-cawaa la sugaa,   Tuugu saan tiro maayoo

oogaduu ka soloo summadduu holmiyaa

wax kitaab ka sokeeya looga suusicin maayo

isna waaba u saadoo horay buu u sitaa

 

Soorti aan la bannaynaa badi uunku setaa

si wal oo wax layeelo,  samir baan fadhinnaa

surucaad iyo baahi sakaraad naf ku gaartay

haddii aan wax la siinnin silic bay ku baxdaa

 

Ilaahow sayiddii nin kaloo la su’aaloo

suldaanow la yiraa wax siin looga mohdaa

asalbuusan sarrayn,

 

siduu doono falow ! siiyihii rabbiyow

Subacyaal toddobaa soddonkooda juskaa

salbanii al baqraad sanulqii al cimraad

subxaan oo nabigeenna sancadii lugu dheelmay

badi loogu sifeeyey yaasiinoo ka sarreeyoo

sayidnimu magacaaban,   xamiimyaalkii sinnaa

iyo Fatxi seeda kabaa,  arraxmaan wax ma seege

waaqicoo nin sugaayoo qiradeeda an seegin

oo subax noolba aqraaya wax siin loo ballan qaaday

xashar oo rag sujuuda wajigii sartu deysey

oo nabigooda salaamay isimkey sahmiyeenoo

san ku neefluhu waayey isi saarka dambeeya

si weyn loogu tuhmaayo falaq iyo saaxiibki naas

oo sixiryaal furfuraa,

 

inta suurad qur’aan ah

sir wixii ku qarsoonoo nabigeenna la siiyaan

su’aal kuugu galliimay, asma’daada sagaashan

iyo dhawrka siyaado isimkii u sarreeyoo

wax lagaaga su’aaloo siinti aan la gefeynoo

lama seege helaa, adigaa ku sanceeyey

kuna saabil daboolay kana sooci yaqaanna

hadba aan waxna seegin waxna haatan sugaynin

wakiil aan la sireynna kolba noogu sokeeya

 

Ilaahow Sayidii; iyadoo dadku seexday

sahmileylki dhexdiisa,   selelkaa iga yeeroon

baryahaaga ku suuxay,   saacadii la ajiibo

aadan soo naqi doonin su’aasheyda ka yeel

 

aadiyoo kala soocin seyma raaya ku keen

Roob aan saacad lahaynna soortii uu bixiyaa

sunta gaajo ma reebtee

 

ummaddaas siriraysoo,   soof intuu ka dhammaaday

sina goytidu hayso,   wax sabool ku il qaadoo

sanadkaa ku tilmaaman,   dhulka maanta ka sii.

 

---00-----