Published using Google Docs
4- ilaahii ina uumay.
Updated automatically every 5 minutes

4)-ILAAHII NA UUMAY.

 

(4) Tixdan soo socota waxay ku saabsantahay uuna shaacirku ku aaddiyey dagaalkii Masar iyo Ingiriis 1956 kii, markaas oo soomaaliduna xurriyaddooda baadi doonaysey, ayna weliba dadka soomaalidu kala qaybsanaayeen oo gabal la jirey ajnebiga, aynanna haysan xoog ay ku raacaan, Soomaalida xurriyaddooda u dhimanayana aysan ku jirin, marka waxaa jirta munaasabad isku xirtey labadan sheeko oo laga garan karo shaacirka hadalkiisa ingiriiskuna ku dhaartay in uu Masar ku qabto 24 saac, taas oo dhammaan dawladaha muslimka ahi aad u sugayeen wixii ka soo if baxa arrintaas, wuxuuna yiri Xaaji Maxamed Axmed Liibaan:

 

Ilaahii ina uumaan addoonkiisa ahaynow

intad aadan ka beertoo cumrigoodu in gaaray

amaad meel ka inqaabtay oo yaraantii ku umaadday

haddii lasyu ururshee jumaladdaa idilkeedu

malaayiin ay ahaato alla tuug baryaheygu

haddii uu la ekaado adigoon i ajiibin

ama aan iga oofin arwaaxdaad igu uuntay

ilxaaxaaga madaayo, iriddaa kama meero

meel kaloo an ka aado asal baadan abuurin

in ilaah ku labeeyaa mustaxiilad ahayd

waxan caawo iraahdo ajiiboo iga yeeloo

aysan gaalo adkaanin,

 

ilaahii ina uumoo addoonkiis ahaynow

innagoon addimaysan ama aalad lahayn

amaan uunku is raacin weliba eebo la liic ah

raga aamini diiday meelu aadana waayey

uurka daallim ahaanta ummaddii kula joogo

haddii aasiya maanta laga woota adkaado

aabilow ingiriisna maser oodda ka saarto

ilbikaaci yaraayoo iftiinkii nooga baxaayey

inkir buu ku jiraaye ilaahow i ajiiboo

aysan gaalo adkaanin.

 

Shaacirka ilaah wuu ka aqbalay rabbi tuuggii waxaana lugu noolaaday nasri iyo guul.

 

-----00---